Xukuumadda Somaliya Oo Maxkamadda Danbiyadda Ee ICC-da U Gudbisay Dacwad Ka Dhan Ah Dawladda KENYA

Hageu:(Duulnews)-Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah goor dhaweyd u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ee Caddaaladda ee Hague, dacwad ka dhan ah dowladda Kenya oo la xidhiidhtaa muran dhinaca soohdinta badda.

Wafdiga dowladda Soomaaliya ee dacwadda gudbiyay ayaa waxa hoggaaminayay, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya Axmed Cali Daahir, oo ay la socdeen qareenno caalami ah oo u doodaya Soomaaliya.

Waxa sanadihii ugu danbeeyay isa soo tarayay muran xoogan uu u dhexeeyay Xukuumadaha Somaliya IYO Kenya,taas oo ku saabsan soohdinta badda ee ay Labadda Dal wadaagaan,waxaanay dhinac kastaaba ku doodayaan in iyaga lagu soo xad-gubay.

Waxaana Natiijadda kazoo baxda Dacwadda ka furan Maxkamadda Caalamiga ah ee ICC-da si weyn ugu dhagtaagaya guud ahaanba Umadda Soomaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>