“Xukuumaddani Waxay Garan Weyday Inta Ninkii Dhagaha la’aa Gartay,Ee Uu Yidhi…”.Muj. Xasan Ciise Jaamac

 

Hargaysa: (Duulnews)- Madaxweyne Ku-xigeenkii ugu horeeyay ee Jamuuriyadda Somaliland, Muj. Xasan Ciise Jaamac,ayaa badka soo dhigay talo-xumadda iyo tamar la’aanta haysta Xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Siilaanyo.

Waxa uu sheegay in Xukuumddu ay ahayd inay iyadu horseed ka noqoto shirka,isla markaana uu Umadda kala shaqayso dhibka iyo qorshe la’aanta Dalka haysta.“ Waxaan ku tahniyadaynayaa Shirkan Quruxda badan ee Khayrka qaba ee inoo bilaamay,aad iyo aad baad u mahadsantihiin. Qodobadda ajandaha inoo jira kasii hordhi mayo,oo wakhti ayaynu u heli doonaa Haddii ALLAH yidhaahdo aynu ka bogano oo aynu falan-qayno. Eray baan odhanayaa oo ah Xukuumadda Somaliland ka talisa waxa inagaga filan inay garan weyday inay sharafta shirkan qaado,oo judhii u horaysayba ay aqbasho.Xukuumaddani waxay garan weyday inta Ninkii Dhagaha la’aa gartay,ee uu yidhi in aan gardaranahay waxa lagu garanayaa Dadka oo dhanbaa faraha igu soo fiiqaya”. Ayuu yidhi Xasan Ciise Jaamac oo maanta ka hadalayay Shirkii watashiga Mucaaradka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>